digg icon delicious icon

Ciidamada Itoobiyaanka oo dad Soomaali ka wateen Tuulo u dhow Magaalada Baladweyne

September 30, 2010   //     //   News

Baladweyne(AB);- Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah saaka howlgalo ka sameeyeen Tuulo dhanka waqooyi 45 KM ka xigta Magaalada Baladweyne kadibna ay dad ka wateen.

Tuulada oo lagu magacaabo Baar-dhuyac ayaa wararka halkaasi ka imaanaya waxay sheegayaan in askarta Itoobiyaanku wateen 5 qofood oo Soomaali ah kuwaasoo ay ku jireen Odayaal.

dhamaan dadkii ay wateen ayay ula dhaqaaqeen dhanka soonka shanaad lamana yaqaan ujeedka dadkaasi ay u kaxaysteen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada ayaa ku sugan deegaanka iminka laga kaxeystay dadka Soomaalida oo horena itoobiyaanku u iman jireen.

Wararka ayaa tilmaamaya in halka dadka laga watay uu dhawaan ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya .

allburtinle.com
Baladweyne-hiiraan

Readers Comments (0)