Ciidamada police-ka ee dalka Tunisia oo xabsiga u taxaabay boqolaal qof
December 30, 2010 // admin // NewsWaxaa weli kasocda dalka Tunisia mudaaharaadyo ay sameynayaan shacabka iyagoo dalbanaya in wax laga qabto shaqo la’aanta heysata dhalinyarada dalkaasi.
Police-ka dalkaas ayaa xirxiray dad aad u tira badan oo ka qeyb galayay mudaaharaadkaas oo in mudo ah si isdaba joog ah ugu socda xarunta dalkaasi.
dadka xabsiga loo taxaabay ayaa las heegayaa in ay ku jireen kuwa ka shaqeeya arimaha bulshada oo ciidamada ammaanka ee dalkaas ay ku sheegeen in ay iyagu ka dambeeyaan waxa ka dhacaya dalkaasi.
madaxweynaha dalkaasi Tunisia Zaynal cabidiin Cali ayaa ugu baaqay shacabka in ay joojiyaan mudaaradada ay ku qaribayaan waddanka waxuuna tilmaamay waxa ka socda dalka in aysan aheyn mid wanaagsan wax walbana loo baahanyahay in si degen loo xaliyo, shacabka reer Tunisyana wuxuu ugu baaqay in ay ilaaliyan degenaashaha dalka.
ciidamada police-ka ee dalkaa ayaa tan iyo markuu bilowday mudaaharaadka looga soo horjeedo shaqo la’aanta waxey xireen boqolaal qof oo u badan dhalinyaro oo qeyb ka ahaa dadkii mudaaharaadka sameynayay.
Xuseen Nuur Xaaji (nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Nairobi,Kenya


