Ciidamada Puntland oo howlgalo ka fuliyay Waqooyiga Gaalkacyop
June 30, 2011 // admin // NewsGaalkacyo (AB):-Ciidamada Boliiska Magaalada Gaalkacyo iyo kuwa dowlada hoose ayaa howlgalo waxaa ay ka fuliyeen waqooyiga magaaladaasi.
Howlgalkaani oo ahaa mid ay ku burburinayeen goobo ganacsi oo si sharci daro ah looga dhisay xaafadaha ka agdhow saldhiga magaalada Gaalkacyo.
Guud ahaan sandaqado sharci daro looga dhisay nawaaxiga saldhiga ayay ciidamadu burburiyeen iyadoo ganacsatadii lahayd ay cabashao ka muujiyeen halka ay ganacsigooda u weecin doonaan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in howlgalkaani ka danbeeyo markii dhawaan halkaasi uu ka dhacay falkii dilka ahaa ee ugu danbeeyay kaasoo waqooyiga Gaalkacyo ka dhaca.
Howlgalada nuucaani oo kele ah oo qeyb ka ah kuwa dhanka amniga loo qaadayo ayay saraakishu ku celcelinayaan inay sii wadi doonaan iyagoo wado kasta u mari doona.
Gaalkacyo-Mudug
allburtinle.com



