Ciidamada Puntland oo Maanta dad badan u qabqabtay dilkii xalay loo gaystay Xeer ilaaliyihii G/Bari
November 30, 2010 // admin // News
Boosaaso (AB):-Ciidamada Booliiska Bosaaso ayaa Maanta dad badan u qabqabtay dilkii xalay loo gaystay xeer ilaaliyhii maxkamada Gobolka Bari.
Wararka aan ka heleyno qaar saraakiisha Boliiska ka mid ah ayaa sheegaya inay ilaa 10 qofood ay ku qabteen howlgalka maanta.
Xaafadaha kala duwan ee Boosaaso ayay saaka Ciidamada Boliiska Puntland waxay ka sameeyee howlgalo baahsan kaasoo ay ku soo qabqabteen dad lagu tuhusan yahay inay ku lug lahaayeen dilkii xalay ka dhacay magaalada.
Guud ahaan dadkii la qabqabtay ayaa la gaarsiiyay xabsiyada si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Inta badan Ciidamada Puntland howlgalo baahsan ayay magaalada ka suubshaan markii sidaan oo kale ay u dhacaan fal dil ah.
allburtinle.com
Boosaaso-Bari


