Ciidamo Dowlada ka tirsan oo ku wada dagaalamay Deegaanka Kala beyr
January 31, 2011 // admin // Newswararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan isgoyska Kala beyr ayaa sheegaya in maanta uu iska horimaadka dhacay deegaankaasi uu sababay khasaare soo gaaray askar Dowlada ka tirsan.
Ciidamada oo dhexdooda isku dhecay ayaa waxaa halkaasi ku dhintay 2 ka mid ah halka kuwo kalana ay dhaawacmeen kuwaasoo ka kala tirsanaa labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyay.
si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee keentay inay isku dhacaan ciidamada Dowlada ee ku wada sugan Kalabeyr waxaase deegankaasi lagu soo celiyay kuwo hore looga saaray markii ay dagaalameen ciidamada dhexdooda.
lama yaqaan in dagaalka maanta uu daba taagan yahay iska horimaadkii hore ciidamada dowlada uga dhex dhacay markaasoo askarta Itoobiyaanku kala dhex dhexaadiyeen.
Maaha markii ugu horeysay oo ay ciidamada Dowlada ku dagaalamaan deegaanka Kalabeyr oo ah meesha kaliya ee ay kaga sugan yihiin Gobolka hiiraan.
allburtinle.com



