Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay inay soo gaareen Degmada Yeed
August 31, 2010 // admin // NewsYeed (AB):-Wararka ka imaanaya Magaalada Yeed ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay baabur nuuca dagaalka ah .
Wararka yeed ka imaanaya ayaa sheegaya in askartii Itoobiyaanka ahayd ay fariisinb ka dhigteen duleedka magaalada Yeed ee Gobolka Bakool halkaasoo u dhow xuduud beeneedka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa iyaguna dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Rabdhuure oo u dhow Yeed waxaana wararku tilmaamayaan inay feejignaan muujieen ciidamadaasi markii kuwa Itoobiyaanku soo gaareen Yeed.
hore degmada yeed waxaa uga jirey xiisado dagaal oo u dhexeeyay ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Alshabaab waxaana hada ay u muuqataa in kuwa Itoobiyaanku garab siinayaan ciidaamada Dowlada KMG Soomaaliya.
Imaanshiyaha Ciidamada Itoobiyaanka ee Gobolka Bakool ayaa ku soo aadaya xili doraad sidaas oo kale ay ciidamada Itoobiyaanku dhaq dhaqaaqyo uga sameyeen xaduud beeneedka labada dal ee dhanka Gobolka Hiiraan ku beegan inkastoo saraakiisha Dowlada Soomaalida ee Hiiraan ay beeniyeen arintaasi.
allburtinle.com
Yeed-Bakool
.


