digg icon delicious icon

Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka weerar ku qaaday duleedka Baladweyne

December 31, 2011   //     //   News

Baladweyne (PV): Ciidamo ka tirsan milateriga Itoobiya oo garab ka ka helaya kuwa Dowlada KMG ah Soomaaliya iyo maamulka dooxada shabelle ayaa saaka weerar wadajir ah ku qaaday duleedka Magaalo madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay duleedka Magaaladaasi gaar ahaan nawaaxiga garoon diyaaradeedka Ugaas Khaliif oo aad ugu dhow magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka taliyaan Ururka diimeedka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.

Dagaalka saaka ayaa intii badan la isu adeegsaday hubka waa weyn sida madaafiicda oo si gaar ah Ciidamada Itoobiyaanku u adeegsanayaan inkastoo aan wali dhul muuqda lagu kala qabsan.

lama yaqaan khasaaraha kala gaaray labada dhinac waxaana dagaalka ka hadlay wasiirka warfaafinta maamulka Dooxada shabelle kaasoo sheegtay inay Alshabaab kala waeeegeen duleedka Baladweyne oo difaacyo adag u ahaa alshabaab sida uu warka u dhigay.

Sarkaalkaani ayaa meelaha ay la wareegeen ku sheegay inay ka mid tahay buurta khowleed iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo aad ugu dhow magaalada Baladweyne iyadoo dhanka Alshabaab aaney war cad ka soo saarin dagaalka saaka.

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)