digg icon delicious icon

Ciidamo ka tirsan Boliiska Dowlada KMG oo Maanta Tababar loogu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

May 30, 2010   //     //   News

Xarunta Iskoola Boliisyo ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta lagu qabtau munaasabad lagu soo xirayay tababar loo soo waday bilahaan danbe ciidamo a tirsan Boliiska Dowlada KMG Soomaaliya.

Wasiiro ka tirsan Dowlada KMG iyo Taliyaha Ciidamada Boliiska ayaa goob jog ka ahaa munaasabada manta hadalana ka soo jeediyay munaasabadaasi tababarka loogu xoo xirayay ku dhawaad 400 asark Boliiska ka tirsan.

Ciidamadaani oo tirdooda lagu sheegay ilaa 380 ayaa la sheegay in hore tababar ay ugu soo qaateen Dugisga tababarka Carmo ee dhulka Puntland,iyadoo Muqdishana lagu dhameystirayaya tababarkaasi sida saraakiishii meeshii ka hadashay ay wada cadeeyeen.

Wasiirka arimaha gudah Dowlada KMG Soomaaliya C/qaadir Cali Cumar ayaa hadaladii uu meesha ka jeediyay ayaa askarta ku baraarujiyay inay noqdaan kuwo shacabkooda wax weyn ku soo kordhiya.

“waa inaad waajibaadkiina gudataan shacabkiinana u adeegtaan,sidoo kale amnigii wax ka qabataan” ayuu iri Sh.qaadir Cali Cumar

Sidoo kale Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Sh.Nuur Cali Aadan ayaa isna u sheegay askarta ugu baaqay inaysan noqon kuwii hubka gata kadibna iska dhaqaaqa iyagoon shacabka waxba u qaban.

Dhamaan Ciidamadii tababarku u soo dhamaaday ayaa maanta lagu dhaariyay isla xarunta iskool Boliisiyo ee Magaalada Muqdisho.

allburtinle.com

C/fitaax Maxamed Salaad

diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (0)