News

Ciidamo ka Tirsanaa soomaliland oo isku Soo dhiibay Puntland

Ciidamo ka Tirsan Maamulka soomaliland oo isku soo Dhiibay maamulka Puntland Cidamadaan ayaa ka Tirsanaa Ciidanka ku sugan difaacyadda Gobolka sool ee soomaliland, ciidmadaan ayaa ka Tirsanaa Ciidanka soomaliland Gaar ahaan ciidamadda agaaga Goboladda sool,

Ciidamadaan ayaa Tiradoodu Gaaraysaa 160 askari kuwasoo ku Hubaysnaa Noocyadda hubka kala duwan ayagoo watay baabuurta dagaalka kuwasoo Gaarayaa ilaa iyo 15 Gaari, Saraakiisha Ciidamaddaan Hogaaminaysa ayaa sheegay inay u soo Goosteen dhanka Puntland, iyagoo sheegay inay ka soo Noqdeen fikirkooddii ahaa, soomaliland.

iygoo sheegay inay ka soo jeedaaan deegaanadda Puntland, reer Puntland ay Yihiin, kana qayb qaadan doonaan Difaaca iyo soocelinta deegaanka Gobolka sool Gaar ahaan magaaladda Laascaanood, iyagoo sheegay inaysan kaligood ahayn balse Ciidamo kale oo ka Tirsan soomaaliland ay iga ku daba Jiraan, kana soo Goosanayaan dhawaan soomaliland,

Maaahan markii ugu horaysay oo ciidamo soomaliland ah ka soo Goostaan soomaliland una soo Goostaan Puntland, kuna soo Biiraan Ciidanka Daraawiishta Puntland,

Ciidamdaan ayaa hadda ku sugan difaacyadda Puntland kuwasoo si Toos ah ugu Biiray ciidamdda Difaaca Puntland kuwasoo dhawaan xorayn dooona Gobolka sool Gaar ahaan degmadda Laascanood,

PuntlaNdVoice