Ciidamo Puntland ka tirsan oo Maanta Tababar loogu soo xirey Gaalkacyo
May 31, 2011 // admin // NewsGaakacyo(AB):- Ciidamo madani ah oo laga soo qorey xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka tababar loogu soo xirey isla magaaladaasi kuwaasoo tababar ciidan qaatay.
Maamulka Gobolka Mudug ayaa tababarkaasi soo qaban qaabiyay una soo xirey maanta ciidamo loo tababaray inay amniga sugaan islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Boliska Gobolka Mudug.
Daaahir Maxamuud Muuse oo ah gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ayaa tababarka markii la soo xirey war kooban uu siiyay wariyayaasha waxaa uu sheegay in ciidamadaani la siiyay dareys cusub iyo kaarar lagu aqoonsado ciidanimadooda.
Gudoomiye ku xigeenka wuxuu intaasi ku daray in ujeedka ciidamadaaasi loo tababaray ay tahay sidii ay ciidamada Boliiska uga gacan siin lahaayeen sugida amniga Magaalooyinka Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamadaani oo ka duwan kuwoo la yaqaanay ee dareska inta gashata saldhigyadooda ku sugnaan jirey ayaa sida maamulka uu sheegay inay ka dhex shaqeyb doonaan shacabka dhexdooda iyagoo ciidan dowladeed ah taasoo ah taatiko cusub oo maamulka gobolka Mudug ee dhawaan la magacaabay uu la yimid.
Gaalkacyo-Mudug
allburtinle.com



