News

Ciidamo taabacsan Urur Diimeedyada Ahlu Suna iyo kuwa Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo Xalay ku dagaalamay Degmada Raage Ceele ee Gobolka Sh.Dhexe.

Raage-Ceele (AB):- Wararka laga helayo Saaka Degamada Raage-Ceele ee Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in halkaasi Xalay uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Ciidamo taabacsan Ururka kale ee Ahlu suna.

Dagaalka oo dhacay xalay saq dhexe ayaa gaystay khasaare dhimasho kaasoo gaaraya ilaa 3 qofood halka 3 kalana ay dhaawacyo soo gaareen sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlayay.

Ciidamada Ahlu suba ayaa la sheegay inay iyagu weerar xooggan ku soo qaadeen Degmada Raage Ceele halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamada Xarakada Alshabaab,waxaana uu dhacay dagaalku xalay abaarihii 2-dii saqdii dhexe.

Sidoo kale waxaa jira wararka qaar oo sheegaya in Dagaalku dhexmaray ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo Gobolkaasi gabi ahaantiis gacanta ku haya,iyadoo warar kalana sheegayaan inay yihiin waxa weerarka soo qaaday Ciidamo taabacsan Ahlu suna

Wararka ku dhow dhow dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in xalay halkaasi ay la wareegeen ciidamadii Ururka Ahlu Suna taabacsanaa balse ay saaka aroortii dib ugu soo laabteen, iyadoo aan la ogeyn halkii ay ku danbeeyeen ciidamadii taabacsanaa dowlada ee weerarka soo qaaday,waxaana saaka ku soo noqday Ciidamada Alshabaab.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ilaa iminka ka soo baxay Saraakiisha sar sare ee Ciidamada dhinacyadii xalay dagaalku dhexmaray.

allburtinle.com

Raage Ceele- Shabeelaha dhexe