News

Ciidanka Difaaca Puntland oo hawl gal ku dilay 41 ka Tirsan Alshabaab

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay sheegeen in Deegaanka Maraje ee Buuraha Calmadow ka sameeyeen Howlgal jawaab celin u ah weerar xalay Al-Shabaab ku soo qaadeen Deegaanka Ballikhadar.

Weerarkan ay ciidanka PSF la beegsadeen xubno ururka Al-shabaab katirsan ayey xaqiijiyeen inay kaga laayeen 41 halka 32 kalana kaga dhaawaceen sida saraakiisha ciidamada amaanka Puntland sheegeen.

dagaalkaan ayaa imaanaya kadib markii kooxda alshabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidanka Puntland balse alshabaab lagaga dilay 41 kamid ah lagana dhaawacay 32.