digg icon delicious icon

Ciyaaraha Eurosom 2011, Filland oo si habsami leh u socda iyo 8-kooxood oo is wada arkay. Sawirro.

July 22, 2011   //     //   Sports

Waxaa Magaalada Helsinki ee Dalka Filland si habsami leh ugu socda Ciyaarihii Xagaaga Eurosom 2011, oo 19-jully ka formay Caasimada dalka Filland ee helsinki, iyadoona ciyaarahaan ay sanadkii labaad marti gelinayaan Ururka KANAVA.

8-kooxood ayaa ku wada tartamaya Ciyaaraha, iyadoona wajigii ugu horeesay ay is wada arkeen kooxahaan.

Group A:

Kulamadii ugu horeesay waxaa is wada arkay kooxaha Kanava FC (Finland) Vs Muqdisho FC (UK) oo soo bandhigay ciyaar adag oo xiiso galisay dhamaan daawadayaashii ka soo qeyb galay tartanka Eurosom, waxaana 1-0 ku adkaaday kooxda Muqdisho FC ee ka socotay UK.

Kooxaha Gothenburg (Sweden) Vs Trondheim (Norway) oo iyaguna is wada arkay, ayaa wada ahaayeen kuwo ciyaar wanaag soo bandhigay waxayna kulankooda ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Gothenburg.

Group B:

4-ta kooxood ee ku wada jira groupka labaad ayaa soo bandhigay wacdaro xiiso badan, iyadoona kulamadooda u ekaa mid isku wada mid ah.

Kooxda Somali Youth FC (Norway) Vs W. Qaraabo (Denmark) ayaa isku garab dhacay, iyagoona kulankooda ahaa mid aad u adag, waxa ayna ciyaartooda kusoo idlaaddeen 4-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda W. Qaraabo (Denmark).

Al Hijra (UK) Vs Sukao FC (Norway), oo wada ciyaaray ayaa soo bandhigay ciyaaro xiiso badan oo sii jiitay ka soo qeyb galayaasha, inkastoo kulankooda u muuqday mid la mid ah kulankii ka horeeyay waxyna ciyaartaasi ku soo idlaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday Sukao FC (Norway).

Daawashada Ciyaarahaan waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u tiro badan, Marti sharaf kala gedisan oo lagu casuumay, Madaxda KANAVA, Eurosom, iyadoona uu guddiga tartamadaan ka mid ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Xiriirka Kubada Cagta Axmed Nuur.

Ciyaarahaan oo ah kii 13-aad oo ay qabtaan Ururka Eurosom, ayaa qeybtiisa Dalka Filland lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo 28-ka bisha jully oo aynu ku jirno.

Nadiifo Cali Shadoor.

Helsinki – Filland.

Email. shadoor143@hotmail.com

Readers Comments (0)