digg icon delicious icon

Ciyaaraha Gobolada Puntland oo soo gaaray Fiinaalaha (KarkaarVS Nugaal)+Sawiro

February 11, 2012   //     //   Sports

Garoowe (PV):-Kadib markii shalay galab garoonka ciyaaraha Mire Awaare ay ka dhacday ciyaartii labaad ee semi fiilaanaalaha islamarkaana ay dhexmartay Xulalka Karkaar iyo Mudug ayaa waxaa ay suuagelisay in kar kaar ay fiinaalaha u soo baxdo.

Xulka Karkaar ayaa shalay daqiiqadihii danbe ee ciyaarta si lama filaan ah goolka guusha uga helay xuka Mudug madaama labada xul shalay soo bandhigeen awood isu dheeli tirneyd walow Mudug la quusiyay.

Garoonka Mire Awaare ayaa galab kasta waxaa soo xaadira kumanaan dadweyne ah oo aad  xiisaneya daawashada ciyaaraha gobolada Puntland oo marmarna ka sii danbeeya xiisa gaar sii yeelanaya.

Ciyaartoyda Karkaar oo shalay si fiican u dabaal degtay markii ay guuleysteen ayaa lagu arayay garoonka mire awaare iyagoo ku soo bandhigaya fantasyo nuucyo kala duwan lahaa xili Gudoomiyaha Gobolka Karkaar uu goob joog ka ahaa ciyaartii shalay.

Gudomiyaha Karkaar Cabdi-quraan ayaa sheegay muujiyay sida uu ku faraxsan yahay guusha ay gaareen xulka Karkaar markii ay u soo gudbeen fiinaalaha.

Si kastaba ha ahaatee berito ayaa lagu wadaa inay ciyaarta kama danbeysta ah isku haleelaan GOBOLADA  NUGAAL IYO KARKAAR.

HADABA DAAWO SAWIRADA DABAALDEGII SHALAY EE XULKA kARKAAR

Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com

 

Readers Comments (0)