Ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo ka qeybgalaya tartanka ka socda Magaalada Nayroobi
July 31, 2010 // admin // SportsKoox ka tirsan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud ama oradada ayaa ku sugan Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya halkaasoo uu ka socdo tartan oradada afrika.
Faarax Cali Macalin oo ah xoghayaha guud ee ciyaaraha fudud ayaa hogaaminaya ciyaartoyda Soomaaliyeed waxaana ay ka kooban yihiin 4 wiil iyo Gabar .
Tartanka Nayroobi ka dhacaya ayay xiyaartoydu ku tartamayaan orodka 800m iyo 1500m, iyo 5000 ciyaaraha raaxa hore oo durba la ciyaaray ayaa la soo sheegayaa inaysan Soomaalidu ka gelin kaalima muuqda.
Gabadha Soomaaliyeed ee orodka ka qeybgaleysa ayaa la sheegay inay shalay kaalinta 8aad ka gashay tartan garoonka ka dhacay.
Faarah macalin ayaa sheegay inay rajko fiican ka qabaan tartamada soo socda inay soomaalidu guulo ka gaarto gaar ahaan tartamada 1500 Mt iyo 5000,sidoo kale waxaa jira in mid ka mid ah ciyaartoyda Soomaaliyeed ee u tartamayay 800 mt uu muruid booday markii uu tartanka bilaabanayay.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


