digg icon delicious icon

Codsi ku aadan qurba joogta Puntland +Sawiro

October 31, 2010   //     //   News

Burtinle (AB):-iyadoo aysan wax adeeg caafimaad ah aysan kajirin degmada burtinle ee gobolka nugaal inbadan taas oo dhibaato kuheysai inkabadan 50,000 oo qof oo kunool burtinle iyo deegaanada baadiyaha ah ee ku hareereysan.
 

iyadoo burtinle loo aqoonsadey xarunta malaariyada puntland ayna
jiraan dhibaatooyin kale oo caafimaad waxaana tusaale u ah iyadoo dad badan dhiig bax ugu dhintaan inta loola cararayo isbitaalada gaalkacyo oo burtinle ujirta 120km kuwaas oo iskugu jira dhaawacyada iyo hooyooyinka uurka leh adeeg caafimaad la’aan
iyagoo dadka burtinle intaas kaduulaya odayaal , hooyooyin ,
dhalinyaro iyo dhamaan dadka deeganada kuxeeran ee tuulooyinka iyo baadiyaha ahba waxey gacmaha isku qabsadeen iney dhistaan isbitaal kaas oo ay layimaadeen gacantooda ilaa hadana ay dhisteen deyd balaaran oo ka kooban 45M balac iyo 75M dherer iyo qeybtii gargaarka deg dega aheyd.
 

Waxaana harey saddex qeybood oo mid hada gacanta lagu hayo waana qeybta bukaan jiifka oo hada qabyo ah sida dhismaha uga jeedaanba waxaa hada gacanta lagu hayaa qeybtii bukaan jiifka oo lagu qiimeyey lacag dhan 70.402.39$ ayna hada dhisantahey in udhiganta lacag ahaan 25,000$ loona baahanyahay si loo dhameystiro qeybta bukaan jiifka lacag dhan 45.402.39$
 

intaasna ay soo wadeen dadka burtinle iyo dadka baadiyaha kuxeeran iyana labaxay kii xoolo hayey iyo kii lacag heli kareyba hadana kharashku yahay mid kala go’an ayna dhimantahey kaalintii qurba joogta.
 

gudida isbitaalku waxey qurbajoogta puntland iyo dadka soomaaliyeed ee islaamka ahba kacodsanayaan iney gacan lasoo gaaraan waxii karaan kooda ah qofkii kusadaqeysta sadaqo isbitaalkana waxey utahey sadaqatu jaariyah dadka burtinlana waxey kasoo baxeen kaalintoodii waxeyna ubaahanyihiin
gacantiina .
 

Hadaba walaal wax walba oo karaankaa ah waxey noo tahey muhiim ee fadlan nagala qeyb qaado howshan baaxada weyn
waxaad lasoo xiriiri kartaan ama kusoo hagaajin kartaan waxii kaalmo ah walaalaha hoos kuqoran
C/laahi khaliif faarax tel. 25290754633
Max’ed yuusuf jaamac tigey tel.25290792026
ama mytigey101@gmail.com

allburtinle.com
mursal max’ud cismaan

Readers Comments (0)