Dab khasare xoogan oo maanta ka kacay deegaanka Ceelasha biyaha.
July 27, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB);-Deb aad u xoogan oo ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo laguna keydiyo ayaa maanta ka kacay nawaaxiga saldhiga ciidamada Xarakada Alshabaab ee deegaanka ceelasha biyaha.
Devkaani ayaa gaystay khasaare hantiyadeed oo aad u baaxad weyn oo isugu jiore shidaalkii gubtay iyo goobo ganacsi oo sidoo kale u dhawaan halka shidaalka lagu iibinayay.
Uurada iyo holaca ka baxaya debkaasi oo wali sii shidan ayaa laga arki karay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah iyo deegaanada loo barakacay.
Debkaani oo socda in ka badan 2 saacadood ayaan weli tira koob lagu sameyn hantida ku baaba’day waxaana la arkayay dhamana goobaha ganacsi ee ku dhow halka dabku ka socdo oo laga daadgureynayo wixii hanti ah ee yaala.
Baabuurta dab demiska loo yaqaan oo ay leedahay shirkada Isgaarsiinta hurmuud ayaa gacan weyn ka gaystay deminta sidii loo bakhtiijin lahaa debkaasi ama loo yareyn lahaa ugu yaraan in debku faafo madaaama deegaanka ceelasha biyaha uu gabi ahaantiis yahay goobo ganacsi marka la eego guryaha laamiga saaran iyo kuwa u dhow dhow.
Dad kumamaan ka badan ayaa u soo daawasho tagay sidii ay u soo arki lahaayeen dabkaasi oo inta badan dadka calool xumo ka abuurey iyagoo qaarkood Alle ka baryayay inuu debkaasi xal degdeg ah u keeno.
Debka kacay ayaa sababta kicisay warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo wararka qaar sheegayaan in sigaar qofi shitay uu kakacay,sidoo kale warar kale ayaa sheegaya dab burjiko ku jiray inuu kacshay iyo warar kale oo la isla dhexmaray.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


