digg icon delicious icon

DABARGO,A DHAKHAATIIRTA IYO DR DHAGACADE SHIRKU SAABSAN

September 30, 2010   //     //   News
ALLBURTINLE(LONDON)Waxaan la ogeysiinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee reer UK, gaar ahaan kuwa reer Puntland in maalinta Sabtida ee bishu tahay 2nd October, saacadu markay tahay 1.30pm uu xaafada Acton ee Galbeedka London ka dhicidoono kulan balaaran oo looga hadlayo xaalada caafimaad ee dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana tan Puntland.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalidoona, haddii eebe ka raali noqdo, oo warbixino dhaadheer ka soo jeedindoona dhakhaatiir wadanka gudahiisa ka hawl-gasha oo uu ka midyahay Dr Cabdulqadir Moxamuud Jaamac (Dhegacadde).
Hadaba ado mahadsan waxaa akhristoow lagaa codsanayaa inaad ka soo qaybgashid kulankaas oo aanu rajaynayno inaad wax wayn ka faa’iididoontid, haddii eebe ka raali noqdo.
Madasha shirku waa:

 

Ruskin Hall, 16 Church Road, Acton, London W3 8PP.
(Labour Hall-ka ka soo horjeeda maqaaxida Doly’s Coffee)
02/10/2010 1.30pm
Gaaddiidka meesh tagaa waa:
Buses: 207, 70, 607, 266, E3 (Uga dag Acton High Street McDonalds)
Trains: Acton Central
Xiriir:
Ali Haji War same – 07958425699
Adam Buryar – 07508943377

Readers Comments (0)