digg icon delicious icon

Dad ka badan 23 qofood oo shuban biyoo ugu geeriyooday Muqdisho iyo Wanlaweyn

April 30, 2011   //     //   News

Caruur iyo dumar ka badan 23 ruux ayaa saacidihii u danbeeyay waxay shuban biyood iyo haraad ugu geeriyoodeen magaalooyinka Muqdisho iyo Wanlaweyn ee Gobolka Sh.hoose.

wararka laga helayo magaalada wanlaweyn ayaa tilmaamaya in dad gaaraya ama ka sii badan 18 ruux ay saacidihii u danbeeyay shuban biyood ugu geeriyoodeen kuwaasoo u badan caruur iyo haween halka qaar kale ay la ildaran yihiin.

Sidoo kale xerooyin qaxooti oo ku yaal degmada Dharkeenley ayaa laga soo sheegayaa in maanta iyo shalay ay ku dhinteen Caruur iyo haween gaaraya 5 ruux markii uu soo wajahay cudurka shubanbiyoodka iyo haraad.

Cudurka shuban biyoodka ayaa inta badan Soomaaliya dad ku dila marka la gaato kuleelaha xiliga hada lagu jiro oo kale iyadoo markaa kadibna la furo isbitaalo si gaar ah loogu daweeyo dadkaasi.

Tirada dadkaani ayaa u badan kuwo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo xiliyadaan oo kale ka dilaaca soomaaliya inkastoo ay ku jiraan dadkaani hada aan sheegnay kuwo haraad u geeriyooday.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xerooyinka barakacayaasha degmada Dhgarkeenley ayaa ka dalbaday hay’adaha samafalka iyo soomaalida wax haysata inay gargaar la soo gaaraan dadka dhibaatadu haysato.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)