Dagaal aad u culus oo saaka ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho
January 31, 2012 // diyeeshe // NewsMuqdisho (PV):-saaka arooirtii ayaa dagaal aad u culus waxaa uu ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeyay dagaalyahanada Xarakatu shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamada Dowlada KMG ah Soomaaliya.
Dagaalka ayaa qarxay markii dagaalyahanada alshabaab ay soo weerareen deegaanka aljaziira halkaasoo fariisimo ay ku lahaayeen askarta Dowlada KMG ah Soomaaliya waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan dagaalkaasi.
Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegay inay gabi ahaanba la wareegeen deegaanka Jaziira halkaasoo markiibana ay dhufeysyo waa weyn ka qoteen iyadoo ciidamada amisom ee midowga Afrika xiligaan madaafiic xoogan ku garaacayaan halkaasi si ay mar kale uga saaraan alshabaab.
Dagaalka oo saacado socday ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan inkastoo aan la heyn faahfaahin dhab ah marka la eego khasaaraha dhinacyada soo kala gaaray.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com



