Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Garbahaarey
April 30, 2011 // admin // NewsGarbahaarey (AB) wararka ka imanaya xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey ayaa sheegaya in maanta galbeedka magaaladaasi uu ka dhacay dagaal culus kaasoo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowlada KMG ah.
Dagaalka oo bilowday markii ciidamada Dowlada ay weerar ku qaadeen kuwa Alshabaab ayaa la soo sheegayaa in dagaal xooggan uu labada dhinac ku dhexmaray tuulo dhanka galbeed kaga abaaran magaalada garbahaarey inkastoo aan warar rasmi ah laga helin khasaaraha dhabta ah dhinacyada.
Dagaalka ayaa daba socdo dagaalo xiriir ah oo halkaasi ay ka wadaan ciidamada Dowlada iyo kuwa ururka ahl suna oo is biirsanaya islamarkaana garab ka helaya dalalka deriska ah.
ma jirto war ka soo baxay ilaa iminka saraakiisha labada dhinac marka la eego dagaalka maanta ka dhacay galbeedka Magaalada Garbahaareey oo khamiistii u gacan galay ciidamada Dowlada.
wixii war ah ee ku soo kordha dagaalada maanta ka qarxay duleedka garbahaarey wararkeena danbe ayaad kaha bogan doontaan inshaa allaah.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



