Dagaal kadhacey howdka waqooyi galbeed ee Degmada Burtinle
September 30, 2010 // admin // NewsBurtinle(AB):-labo maleeshiyo beelood oo xoolo dhaqata ah ayaa dagaal kooban saaka kudhex marey howdka waqooyi galbeed ee degmada burtinle.
Deegaanka layiraahdo cadaada oo 13km ujirta tuulada meeygaagle dhankeeda waqooyi waxaa halkaas ku geeriyoodey 5ruux halka 1 qof oo kalana kudhaawacmay
Guud ahaan waxaa lagu wadaa dadka geeriyooday in lagu aaso galabta tuulada kala bayr ee gobolka sool.
Xaalada ayaa ah jawi qasan oo la dareemayo cabsi ah in markale soo laabato gacan kahadalku.
Dagaalkaan ayaa daba socda aanooyin qabiil oo is daba joog ahaa oo deegaanadaas howdka kusoo noqnoqdey.
Midkii ugu danbeeyeyna lagu diley odey da’ahaa oo isagoo salaad kujira rasaas huwiyeen maleeshiyo beeleed xili habeen ah
Maalmihii lasoo dhaafey ayaa laga dareemayey deeganadaan xiisad colaadeed .
Majirto ilaa hada cid kala dhex gashey maleeshiyooyinkaan xoolo dhaqatada ah oo murankoodu salka kuhayo dhul daaqsimeed
Deegaano badan oo kuwanaagsanaa dhul daaqsimeedka ayaa laga qaxey oo hada cidlo ah ,waxaa arinta dagaalka canbaareeyey dad badan oo reer puntland ah.
Nnabadoon xuseen c/raxmaan xaaji ayaa kutilmaamey nasiib daro dadka dhimanaya kuna baaqey in xabada lajoojiyo maamulka puntland ayuu nabadoonku ugu baaqey iney soo dhex galaan arinkaan.
Dagaalada iyo aanooyinka qabiil ayaa kusoo noqnoqdey deegaanadaan ilaa sanadkii 2007dii iyadoo ay kudhinteen dad gaaraya ilaa 30
Ma muuqato hada rajo ah in shaqaaqooyinku istaagaan waxaanse alle karajeynayaa inuu xaalada nabad kusoo dabaalo
mursal max’ud cismaan (MMC)
catoosh170@hotmail.com


