Dagaal maanta Garbahaarey ku dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Shabaabul Mujaahidiin
September 28, 2011 // admin // NewsGarbaheerey(AB):- Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in duleedka magaaladaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsanaa xarakatu shabaabu Mujaahidiin iyo Dowlada Soomaaliyeed.
deegaanka lagu dagaalamay oo lagu magacaabo Raasqod islamarkaana 18km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada ayaa la soo sheegayaa in labada dhinac khasaare nafeed isugu gaysteen iyadoo sarkaal Xarakada Ashabaab u hadalay uu guulo ka sheegtay dagaalkaasi.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Sh.C/laahi Ciise ayaa warbaahinta qaar u sheegay inay askar badan ka dileen dhanka dowlada islamarkaana ay iyagu dagaalkaasi guulo la taaban karo ka gaareen.
“Alle ayaa ku mahadsan nooga hiilay cadowga murtadiinta,waxaan idiin sheegeynaa in dagaalkaasi maanta dhacay ay mujaahidiintu guulo ka gaareen”ayuu yiri Sh.C/laahi Ciise
Dhanka kale Sarkaal dhanka Dowlada u hadlay ayaa isna beeniyay guusha alshabaab ka sheegteen dagaalada maanta waxaana uu qirtay in iyaga la soo weeraray islamarkaana ay iska difaaceen oo aysan jiri in askar looga laayay dagaalkaasi.
“amaga wax na gaaray ma jiraan waa beenta warka alshabaab ka soo baxay,way jirtaa in ciidamo dowlada jidka ay u galeen mana aysan ahayn ciidamo raba nay wax qabsadaane balse waxaa ay ahaayeen ciidamo arbushaad doonayay”ayuu yiri Sarkaalkaasi Dowlada u hadlay oo lagu magacaabo Col.Maxamed Ibraahin
Dagaalka oo dhacay barqanimadii maanta ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in la isu adeegsday hubka nuucyadiisa kala duwan sida madaafiicda iyo rasaasta kala duwan inkastoo warar madax banaan aaney wali ka soo bixin kuwaasoo faahfaahin ka bixinaya dagaalkaasi qaabka uu u dhacay.
allburtinle.com



