digg icon delicious icon

Dagaal saaka ka DHACAY waqooyiga Muqdisho iyo madaafiic xalay la isku dhaafsaday wadada warshadaha

February 28, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Dagaalo inta badan madaafiic la isku dhaafsanayqay ayaa saaka ka dhacay aagaga waqooyiga Muqdisho xili xalay madaafiic xoogan la isku dhaafsaday wadada warshadaha qeybno ka mid ah.

Dagaalada saaka ka socda Waqooyiga Muqdisho ayaa si gaar ah waxay uga dhacayaan aagaga Boondheere iyo meesha ay iska galaan degmooyinka Shangaani iyo C/casiis halkaasoo ay isku hor fadhiyeen ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Amisom iyo Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.

Is rasaaseyn xooggan iyo duqeymo ayay dhinacyadu is dhaafsanayaan iyadoo aan ilaa iminka wax faahfaahin laga heyn khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo shacabka .

Dhanka kale xalay madaafiic culus ayay dhinacyadu isku dhaafsadeen aagaga cusub ee maalmahana danbe la isku hayay gaar ahaan inta u dhexeysa dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga iyo Kuliyada jaale Siyaad.

Sidoo kale warar sugan lagama hayo hadii ay khasaare gaysteen duqeymihii xalay marka la eego dhanka shacabka ku dhaqan xaafadaha ka agadhow wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)