digg icon delicious icon

Dagaal Saaka ka qarxay Duleeda Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

May 31, 2010   //     //   News

Baladweyne (AB):-Dagaal qaraar ayaa saaka ka qarxay nawaaxiga Deegaanka Ceelgaal kaasoo u dhexeeya Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Ururka Xisbul Islaamii ee hore halkaasi ugu sugnaa waxaana la sheegay in wali dagaalku ka socda halkaasi.

Saraakiil u kala hadasay dhinacyada Dagaalku saaka u dhexeeyo ayaa dhamaantood guulo ka wada sheegtay dagaalka islamarkaana qiray in wali dagaaladu socdaan.

Sarkaalka Dowlada u hadlay oo lagu magacaabo Axmed Cusmaan Cabdule ayaa isagu sheegay in dagaalku iminka ka socdo deegaanka Jande kun-dishe oo u dhow Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,sidoo kalana ay si nabad ah kula wareegeen Garoonka diyaaradaha Magaalada B/weyne ee Ugaas Khalif Airport.

Wararka ayaa aan ka heleyno goobaha dagaalada ay ka socdaan ayaa ilaa iminka wax faahfaahin ahi ka soo bixin madaama rasaasta iyo madaafiicda la isdhaafasanayo ay socdaan.

Wixii war ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Inshaa Allaah.

Readers Comments (0)