News

Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaliland oo ka socda Aaga Tuka Raq

Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka socda nawaaxiga degmada Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waabarigii hore ayaa xabadu bilaabatay xilli muddo labada ciidan is horfadhiyeen.

Dagaalka saaka ayaa yimid xilli shalay isku dhac kooban uu dhex maray labo ciidan oo saha ahaa.

dagaalka ayaa wuxuu ka socda afar aag kuwasoo ciidamadu isku horfadhiyeen lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.