Dagaaladii ka dhacay Tuulada Tukaraq oo hub lagu kala qabsaday
May 31, 2011 // admin // NewsSaraakiil sar sare oo ka tirsan Dowlada Puntland ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Tuulada Tukaraq oo u dhow magaalada Laascaanood.
Sarkaal Dowlada Puntland ka tirsan oo saxaafada war siinayay ayaa sheegay inay qabteen hadana ay gacanta ku hayaan sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.
Sidoo kale sarkaalka waxaa uu sheegay inay dagaalka kula wareegeen ilaa 3 baabuurta dagaalka ee soomaalidu u taqaan Tikniko, kuwaasoo lagu hayo deegaanadii lagu dagaalamay oo saaka yara degan.
Dagaalka shalay galab qarxay waxaa uu ahaa mid aad u xoogan kaasoo qeyb ka ahaa dagaalo soo noqnoqday oo aalaaba ka dhaca duleedka Laascaanood.
Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkii shalay qarxay markii ciidamada Dowlada Puntland ay qabteen sarkaal qaab sirdoon ahaan ugu adeegayay maamulka la baxay Somaliland.
allburtinle.com



