Dagaalka iyo duqeymha maalintii 9aad ka dhacaya Muqdisho oo gaystay khasaare nafeed.
August 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Dagaalka maalintii 9aad ka sii socda Muqdisho ayaa waxaa ay maanta gaystee khasaare nafeed oo hor leh markii duqeymo iyo dagaalo ay dhexmareen dhinacyadii Muqdisho isku hayay.
Wararka laga helayo mas’uliyiinta baabuurta aanbalaasyada ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ku dhinteen 9 ruux ah kadib markii duqeymihi ugu badnaa ay ku dheceen suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo dad kale oo 16 gaarayana ay dhaawacmeen.
9-ka qofood ee Maanta geeriyooday ayaa la sheegayaa inay intooda badna ku geeriyoodeen suuqa bakaaraha markii madaafiicdu ku hgoobatay.
Si kastaba dagaalada Muqdisho ka dhacaya ayaa galay maanta maalintii 9aad ee sid xiriir ah labada dhinac ay u dagaalamayaan waxaana madaafiicda inta badan ay ka soo dhacdaa dhanka AMISOM inkastoo iyagana la duqeeyo.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


