Dagaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay deegaanka Kala-beyr
December 30, 2010 // admin // NewsKalabeyr (AB):–wararka laga helayo deegaanka kala beyr ayaa sheegaya in halkaasi xalay maqribkii uu ka dhacay iska hor imaad dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo deegaankaasi isla joogay.
wararka dagaaladaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalkaani yimid kadib markii sarkaal sare oo Soomaali ah ay xireen ciidamada Itoobiya taasina ay ka careysiisay ciidamadiisii sidaana la isgu dhacay
itoobiyaanka waxaa la sheegay in weerar gaado ah lagu qaaday lagana dilay ilaa 3 askari halka kuwa Soomaalida ahna laga dilay 2 iyo dhaawacyo kale oo ay labada dhan is gaarsiiyeen.
Taliyaha Ciidamada Dowlada ee Kala beyr Axmed Cusmaan Cabdule Inji ayaa isna mar uu ka hadlay arintaani waxaa uu beeniyay in itoobiyaan ku lug lahaayeen dagaaladii dhacay.
“alshabaab dareyska dowlada soo gashtay iyo anaga ayaa dagaalanay mana jirto wax askar itoobiyaan ah oo Kalabeyre ku sugan”ayuu yiri Axmed Inji
lama hayo warar dhanka Xarakada alshabaab ka soo baxay oo ay ku sheegteen inay ku lug leyihiin dagaaladii kala beyr ka dhacay.
Kalabeyr-Hiiraan
allburtinle.com


