Dagaalo iyo duqeymo dad ku dhinteen oo saaka Muqdisho ka dhacay.
November 30, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Iska horimaadyo iyo duqeymo madaafiic ayaa saaka magaalada Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Midowga Afrika iyo kuwa Xarakada mujaahidiinta Alshabaab.
Dagaalada oo ka dhacay degmada Boondheere ayaa waxaa bar bar socdey duqeymo madaafiic oo inta badan ku dhacayay goobo ka baxsan meelaha dagaaladu ka holcayeen.
Inta laga war hayo 4 qofood ayaa ku dhimatay madaafiic ku hoobatay suuqa Bakaraaha oo dadka ugu badan ay isugu yimaadaan.
Madaafiicda oo ku dhacday nawaaxiga Carwo liimoon ayaa sababtay geerida 4 qofood oo ay ku jireen Aabe iyo wiil uu dhalay iyo sidoo kale haweeney maqaayad ku sugneyd.
Inta badan dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa waxaa madaafiicdu kula dheceen maqaayad u dhow carwo liimoon oo gudaha suqa Bakaaraha.
Sidoo kale Madaafiicdii Xalay iyo kuwa Saaka hadii la isu daro waxaa ay geerida gaareysaa ilaa 8 ruux.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


