digg icon delicious icon

Dagaalo khasaare nafeed gatstay oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

October 31, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Waxaa xalay wadada warshadaha ee magalaada muqdisho ka dhacay dagaalo u dhexeeyay ciidamada Midowga Afrika iyo Xarakatu shabaabul Mujaahidiin waxaana uu gaystay khasaare labada ciidan iyo dad shacab ahba soo wada gaaray.

Inkastoo aan wax war ah laga heyn khasaaraha dhinacyada dagaalku u dhexeeyay ayaa hadana waxaa inta la ogytahay rasaasta iyo madaafiicda la is dhaafsanayay ku geeriyooday dad shacab ah oo gaaraya ilaa 3 qodoo halka tiro intaasi ka sii badana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Iska hor imaadka oo shalay galan bilowday ayaa xalay fiidkii gaaray waxaana la isu adeegsanayay hubka waa weyn iyadoo la arkayay ciidamada Alshabaab oo shalay adeegsanayay qoriga loo yaqaan 106 ama jantey sey oo soomaaliduna u taqaan Jiib kaasoo ay ku garaacayeen ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh xarunta Kuliyada Jaale siyaad ee u dhow isgoyska Ex kontorol Afgooye.

Dagaaladaasi waxaa ay saameyn xoogan ku yeesheen macalimiin,ardey,ganacsato iyo shacab kale kuwaasoo kala imaanayay deegaanada loo barakacay iyo dhanka Dowlada KMG Soomaaliya maamusho iyo sidaas oo kale kuwo ka baxayay dhanka Islaamiyiintu maamulaan waxayna dadkaasi markii ay baabuur waayeen ay mareen wado dheer oo bacaad ah si rasaasta uga fogaadaan.

Sidoo kale madaafiic xalay ciidamada AMISOM ku garaaceen xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad guryahooda iska jiifay walow aan wali tiro sugan laga helin dadka wax gaareen waxaase la xaqiijiyay in dad badan isla xalay isbitaalada loola cdararay markii xaafada Jungal ay ku hoobteen tiro madaafiic ah oo ka yimid dhanka Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Dagaalada xalay ayaa daba socday kadib markii ciidamada AMISOM oo shalay barqadii qarax miino lala eegtay kadibna ay shalab galab wadadaasi oo dhan xireen inkastoo saaka ay dib u fureen.

dhanka kale saaka xitaa waxaa si goos goos ah magaalada looga maqlayay is rasaaseyn iyo duqeymo madaafiic kuwaasoo ka yara vgaabnaa kuwii xalay iyo shalay galab magaalada la isku dhaafsaday.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (0)