Dagaalo Maanta Muqdisho ka dhacay iyo Dowlada KMG ah oo guulo ka sheegatay
July 28, 2011 // admin // NewsMuqdisho(AB) Dagaalo u dhexeeyay ciidamada Dowlada KMG ah oo garab ka helaya kuwa Amisom iyo Xarakada Alshabaab ayaa maanta mar kaliya ka wada qarxay aagag badan oo ku teedsan wadada Wadnaha.
Dagaalada oo ay soo qaadeen ciidamada Dowlada oo kaashanaya taangiyada Amisom iyo dabaabaadka kale ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan in dagaalkaasi sababay khasaare badan islamarkaana waxoogaa horumar ah ay ka sameeyeen ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowlada ee iskaashanayay.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG ah qaarkood iyo waliba afhayeenka Amisom ayaa guulo ka wada sheegtay dagaaladaasi iyagoo xusay inay gaareen ilaa suuqbacaad oo ay hore u joogeen ciidamada Xarakada Alshabaab.
Wararka sidoo kale ka soo baxaya dhanka Amisom iyo dowlada ayay ku sheegteen inay la wareegeen suuqa weyn ee Bakaaraha inkastoo aan wali warar laga helin dhanka Xarakada Alshabaab oo dagaalada qeyb ka ah.
Hugunka madaafiicda iyo rasaasta dagaalada la isku adeegsanayo ayaa magaaalada qeybo badan laga maqlayaa goobaha dagaaalada iyo meelaha ku dhow dhow iyadoo dadka inta badan saaka hurdada looga toosiyay maqalka madaafiicda gaar ahaan dadka ku dhaqan degmooyinka ay dagaaladu saameyntaku yeesheen.
Goobaha sida gaarka ah dagaalada maanta uga dhaceen ayaa waxaa ku jirey isgoysda Xarayaale,Darjiinka iyo siinaay iyadoo dhamaan barahaasi uu afhayeenka Amisom sheegtay inay kala wareegeen dhanka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


