Dagaalo mar kale maanta ka dhacay degaano hoos taga degmada Rako
September 29, 2011 // admin // NewsRako (AB):-Dagaalo khasaare nafeed gaystay ayaa maanta mar kale ka dhacay deegaano hoostaga degmada Rako ee Gobolka Karkaar halkaasoo shalayna dagaalo ka dhaceen markii labo maleeshiyo beeleed isku dhaceen.
Labada maleeshiyo Beeleed oo isku haya dhul daaqsimeed ayaa saaka mar kale isku dhacay waxaana wararku tilmaamayaan inay ku dhaawacmeen ilaa 6 qofood oo u badan maleeshiyaadkii dagaaamayay.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax ayaa sheegay in ciidamo Puntland ka tirsan ay maanta gaareen halka dagaaladu ka dhaceen islamarkaana ay doonayaan inay kala dhexgalaan maleeshiyaad is haya si aaney dagaaladu u sii socon.
“wax dhimasho ah maanta ma jirin waxaa dhaawacmay inta aan ognahay 6 dhinacyadii dagaalamayay ka mid ah,qaar ka mid ahna waxaa la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada qardho”ayuu yiri Yoonis Cali Faarax Gudoomiye xigeenka Gobolka Karkaar
Deegaanka Uurjire oo ah halka lagu dagaalamayay ayaa wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan inay degan tahay xaaladu markii ay halkaasi gaareen ciidamo Puntland ka socda iyo nabadoono iyagoo isku dayaya inay soo afjaraan colaadaasi.
Rako-Karkaar
allburtinle.com



