Dagaalyahanadii Xarakada Alshabaab ee shalay isku qarxiyay xero Jarmal oo warbaahinta la hadlay wax yar ka hor noloshooda
October 30, 2011 // admin // NewsMuqdisho (AB);-Idaacada Andulus ee ku hadasha codka Xarakada Alshabaab ayaa baahisay codadka 2 dagaal yahan oo shalay weerar naf hurnimo ah ka gaystay fariisin ciidamada Amisom kaga sugnaayeen Muqdisho.
Labada dagaalyahan oo inta walxaha qarxa jirkooda ku rakibeen isku dhex qarxiyay xero jarmal ee wadada warshadaha halkaasoo ay khasaare ka soo gaartay askartii Amisom ayaa mid ka mid ah waxaa la sheegay inuu ka yimid dalka Mareykanka si uu dagaalada Soomaaliya qeyb uga noqdo.
Dagaal yahankaani ka yimid dalka Mareykanka ayaa lagu magacaabaa Cabdi Salaan Almuhaajir halka kan kale oo reer Bay iyo Bakool ahna magaciisa lagu sheegay Aadan Alansaari.
Cabdi Salaan Almuhaajir ayaa u sheegay idaacada Andulus inuu mareykanka ka yimid isaga dhalinyaro kale 2 sano ka hor iyagoo ku soo biirey xarakada Alshabaab oo dagaalo kala horjeeda amisom iyo dowlada.
Cabdi Salaan Almuhaajir waxaa uu xusay inuu dalka yimid markii uu maqlay in dalka ay qabsadeen quwado shisheeye ilaa markaasna uu ka qeybgalay dagaalo badan oo lagaga soo horjeeday Amisom,waxaana uu ugu baaqay guud ahaan soomaalida qurbaha inay dalka soo galaan kana qeybqaataan dagaalada.
Dhanka kale Aadan Alansaari oo ka soo jeeda gobolad Bay iyo Bakool ayaa isna sheegay in mudaba uu ku soo dhex jirey dagaalada Soomaaliya ka socda islamarkaana uu gacantiisa ku dilay gaalo badan .
Aadan Alansaari oo daqiiqado yar ka hor xiligii noloshiisa uga dhimanaa hadlayay ayaa ugu baaqay Soomaalida inay la dagaalamaan ciidamada Amisom kana saaraan dalka.
Shalay ayay ahayd markii 2 qarax oo ismaadaamin ah labadaani dhalinyari ku galeen xero jarmal oo wadada warshadaha ku teedsan markaasoo afhayeenka alsabaab uu sheegay inay ku dhinteen qaraxyadaasi in ka badan 80 askari oo u dhashay dalka Uganda.
Muqdisho-Somalia
allburtinle.com



