digg icon delicious icon

Daley hubeysan oo Mandheera ku dishay Baadari Kenyaati ah

August 13, 2012   //     //   News

Mandheera(PV);-Wararka laga helayo magaalada mandheera ayaa sheegaya in baadari kenyaati ah lagu dilay magaaladaasi kadib markii rag hubeysani ay rasaas la dheceen kana baxsadeen goobta.

Wararka ayaa tilmaamaya in kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab ay baadirigaasi si qorsheysan ugu dileen mandheera xili uu ka soo baxayay goob ganacsi uu ku lahaa mandheera.

Sarkaal ciidamada Kenya u hadlay ayaa laga soo xigtay in dadka dilka gaystay ay ahaayeen Soomaali islamarkaana u baxsadeen dhanka Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale ciidamada Boliiska Kenya ee Mandheera ayaa dilka ka dib sameeyay dhaq dhaqaaqyo ay ku baadi goobayeen kooxihii dilka ka danbeeyay hase yeeshee ma jirto cid ay u soo qabteen dilkaasi waxaase sida lagu bartay macquul ah inay qabqabtaan Soomaalida u badan mandheera.

Inta badan dilalka askarta iyo baadariyaasha kenya loo geysto waxaa sheegta xoogaga Xarakada Alshabaab inkastoo dilkaani xalay aaney wali wax war ah ka soo saarin,si rasmi ahna looma yaqaan cida ka dambeysa dilkaani.

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)