News

Dawladda Canada oo Musaafurinaysa Wiil Soomaali ah

Dowladda Kanada ayaa masaafurineysa wiil Soomaali ah oo isaga oo 6 jir 2001-di Kanada tagey. Cabdul Yuusuf Cabdi, waxaa uu la socdey labo habar-yarihiis ah iyo walaashiis Faadumo Yuusuf Cabdi oo 2 sano un ka weyn.

Muddo gaaban ka dibna, Faadumo iyo Cabdul waxaa la wareegay hay’adda Caruurta ee maamul goboleed-yada u qaabilsan ilmaha waalid-kood ay daryeeli waayaan in ay ku caawiso arrimaha daryeelkooda,
haddii ay suur-tagali-weydana, kala wareegta. Hay’addi iyo qoysaskii masuulka ka ahaaba, waxaa ay Cabdi iyo Faadumo udalbi waayeen sharciga wadaniyadda ee Kanada si ay muwaadiniin u noqdaan. Intii uu dhallin yaranimadi ku jireenba, Cabdul waxaa uu galey danbi loo xirey, waxaana uu hadda sugayaa masaafuris, isaga oo xabsigiisi soo dhameystey.

Dalalka maraykanka iyo Canada ayaa Musaafriya soomali badan kuwasoo lagu soo eedeeyo Falal kala duwan, kadib markii ay Xabsiga dhamaystana loo Musaafuriyo Dalka Soomaaliya,

PuntlandVoice
puntvoice01@gmail.com