News

Dawladda Puntland ayaa sheegtay in Dawladda Somaliya ay dhinac ka noqotay Colaada udhaxeeysa Puntland iyo Somaliland

Dawladda Puntland oo Eeedayn u jeedisay XFS

ee ka taagan Deegaanka Tuko-Raq.

Guddiga difaaca Puntland oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa tilmaamay in lacagtii halka Million ahayd ee Dawladda Somaliya ugu deeqday Somaliland an lamarin meelihii ku haboonaa.

Guddiga ayaa caddeeyay in ay ahayd in Dawladda Faderaalku lacagtas ay mariyaan Hay adaha Khayriga ah ee kashaqeeya Deeganada Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay in lacagtaasi ay toos ugu dhacday Accounka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Somaliland taasi oo ay sheegeen in aysan Gaarayn Dadkii logu talo galay ee loga faa idaysanayo waxyeelaynta iyo dhibaataynta Dadka ku nool Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

Dawladda Puntland ayaa tilmaantay in XFS ay u arkaan in aysan Dhexdhexaad ka ahayn Dagaalada udhaxeeya Puntland iyo Somaliland iyaga oo tilmaamay in ay Dawladda Somaliya madaxda ugu saraysaa ka aamuseen Dhibaataynta Lagu hayo Dadka ku Dhaqan SSC.