News

Dawladda Puntland oo Diyaar Garowgii Ugu Danbeeyey ugu JidhaDib u Soo celinta Tuka Raq

Kadib markii Shalay Subaxnimadii Ciidmadda Soomaliland la wareegeen degmadda Tuka Raq ee Gobolka sool ayaa dawladda Puntland ku Jidhay Diyaar Garow Dib Loogu soo celinayo degmadda Tuka Raq,

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa la geeyey Jiidda Hore ee dagaalka iyadoo dawladda Puntland wadanka ku soo Rogtay xaalad Deg Deg, ah, waxaana aaga dagaalka la geeyey Ciidamaddii ugu badanaa oo Puntland ka Tirsan,

dawladda Puntland ayaa hakisay isku socodka Gaadiidka u kala Goosha Puntland iyo Soomaaliland, gudoomiyaha Gobollka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa Sheegay in baabuurtaas loo hakiyey sababo amaanka ah, dawladduna saacadaha soo socdda Talaabo Jawaab ah Qaadi doonto.

Waxaa la fili karaa dagaal ka dhex Qaraxa soomaliland iyo Puntland iyadoo labada Ciidan ay isku horfadhiyaan aagag aan waxba kala Fogayn