News

Dawladda Puntland oo Hakisay isku Socodka Gaadiidka ka imanaya Goboladda Waqooyi

Dawlladda Puntland ayaa amaro lagu hakinayo baabuurta ka timaado Goboladda Waqooyi ama Soomaaliland hakisay kadib markii dawladdu ku dhawaaqday Xaalad Deg Deg ah, kaidb markii shalay daan daansi Dagaal ay ku soo qaadeen Ciidamadda soomaliland,

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay in dawladdu hakisay isku socodka Gaadiid u kala Goosha Goboladda Waqooyi sababo dhanka amaanka ah, isagoo intaas Raaciyey in dawladdu ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto Ciddii awaamirta u hogansami doonta, isagoo sheegay in Jawaab ku haboon laga Bixin doono Daan daansigii Qaawanaa oo uu maamulka soomaliland ku soo qaaday dhulka Puntland,

Puntlandvoice
Puntvoice01@gmail.com