News

Dawladda Qadar oo Maal Galinaysa Dekadaha Soomaaliya

Qadar iyo Dekedaha Soomaaliya

Waa wafdi sare oo kasocda dalka Qadar, maanta ayay tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyagoo ujeedkoodu yahay inay qiimeeyeen Dekedaha Soomaaliya si loogu sameeyo dayactir iyo dib u dhis.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo ka qayb gashay kulan ay la qaateen Ra’isal wasaare Khayre ayaa shaacisay in socdaalka Wafdigan uu sidaas la xariiro.