News

Dawladda soomaaliya iyo Pakistan oo Heshiis wada Gaaray

Dowladda Pakistan ayaa ka caawin doonta Soomaaliya , sidii muwaadiniinta Soomaalida ay u heli lahaayeen aqoonsi iyo hubinta macluumadka muwaadinimo, arrinta oo ka caawineysa dowladda la socodka dadka muwaadiniinta ah, kaddib heshiis ay wadajir ah u saxiixeen safiirka Soomaaliya u fadhida Pakistan, Khadija Mohamed Al-Makhzoumi iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Pakistan, Shahid Khaqan, waxaana goobjoog ka ahaa heshiiska Ra’iisul wasaaraha Pakistan , sida ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

Ma jiro aqoonsi rasmi ah oo ay dowladda kula socon karto muwaadiniinta, waxaana waqtigan in la helo aqoonsi awood u siinnaya dowladda la socodka muwaadiniinta lugu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha uu dalka ugu diyaar garoobayo doorasho shacab oo dalka ka dhacda sannadka 2021.