News

Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay Inay Bur Burisay Saldhig Alshabaab ku Lahayd Deeganka leego

Saraakiisha sar sare ee kumaandoosta soomaliya ee Danab ayaa sheegay in ayu bur buriyeen Saldhiggii ugu weynaay Alshabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab G/sare Axmed Cabdullaahi Sheekh ayaa sheegay in howlgal gaar ah ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Leego ay ku bur buriyeen xaruntii ugu weyneeyd oo shabaab ay ku lahaayeen Gobolka shabeellada hoose.

Gobolka shabeeladda Hoose oo ah Gobolka Kooxda Alshabaab ay ku leedahay saldhigyo Fara badan ayaa badanaa waxaa ka dhaca iska Hor imaadyo u dhexeeya dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa AMISOM iyo kooxa alshabaab,

Dawladda maraykanka ayaa dukhaymo Cirka ka gaysata Gobolkaas iyadoo tiro ka Tirsan saraakisha alshabaab lagu dilay,