Dayactir lagu waday Buundada Jalalaqsi oo Maanta la soo afjray.
July 31, 2010 // admin // NewsJalaqsi (AB):-Guud ahaan dayactirkii ka socday buundada degmada Jalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta la soo afjaray waxaana saxaafada uga warbaxshay waaliga Gobolka Hiiraan ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sh.Yuusuf Cali Ugaas.
Waaliga waxaa uu sheegay in guud ahaan Maanta ay soo afjareen dayactirka oo waqtiyadaan danbe socday,islamarkaana ay ujeedkii laga lagaa lagu guuleystay.
“meelaha la dayactirayay waxaa ka mid ahaa tiirarka shubka ee buunadada,waxaana ku baxday lacag aan sidaas u badneyn taasoo ah 5533.7$ doolar”ayuu yiri Sheekh Yuusuf cali Ugaas
Mar uu ka hadlayay cida maalgelisay ayuu sheegay inaysan jirin wax hay’ado ah oo iyaga ay wax warsadeen waxaana uu timaamay inay shacabka reer hiiraan iyo maamulka iskaashadeen islamarkaana ay gacan ka heleen walaayada shabeelaha dhexe.
“shacabku iyagaa isku tashtay maahee ma jiraan wax hay’ado laga sugayo” ayuu yiri Sheekha


