Dhacdooyinka Puntland, Islam, News

DEG DEG: Dowlada Puntland oo ku dhawaaqday in Bari Ay Tahay Soon.

Dowlada Puntland ayaa Goordhow ku Dhawaaqday in Maalinta Bari ah oo Ah Maalin Talaado Ah Ay Tahay maalinta ugu Dambeeysa Ee Bisha Ramadaan.

Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta Ee Dowlada Puntland  Saalax Xabiid Jaamac oo Shir Jaraa’id Warfiyeenada ugu Qabtay Garoowe Ayaa Shacabka Puntland ku wargaliyay in Bari Ay Tahay Maalin Ramadaan.

Wasiirka Cadaalada Ayaa sheegay in Bishii Aan la arag islamarkaasina Ay Qasab Tahay in Bari La dhameeystiro 30-ka Ramadaan.

Wasiirka ayaa ugu Dambeeyntii Sheegay in Wadamada Islaamka Ay isku raaceen in Bari Ay Tahay Maalin Ramadaan.

Dowlada sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in maalinta bari ah ay tahay maalin Ramaadan kadib Markii la waayay Bishi kadib baadigoob lagu sameeyay.

Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Diinta Ee Dowlada Puntland Ayaa Dadaal Dheer Caawa ku bixineeysay Baadi Goobka Bisha Shawaal .