News

DEG DEG+SAWIRO: Soomaaliya oo Guul ka Gaartay Dacwadii Badda Ee Soomaaliya iyo kenya

Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Heage ee Dalka Holand ayaa sheegaya in Soomaaliya ay Guul ka soo hooysay Dacwadii u dhaxeeysay Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsaneyd dacwadda dhanka Badda.

Maxkamada ayaa furantay Shantii Galabnimo ee maanta oo Khamiis ah waxaana goobjoog ka ahaa wakiillo iyo khubaro ka socda Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamada ICJ ayaa ogolaatay in la sii wado oo maxkamadu  ay sii wadi karto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadaan oo magaceeda la yiraahdo Maxkamada Cadaalada Aduunka (ICJ) ayaa dhinac iska dhigtay codsi ka imaanayay dowladda Kenya oo ku aadanaa in Maxkamada aanay qaadin Dacwadaasi.

Kenya ayaa ku doodeeysay in si gaar ah ay uga wada hadlaan Soomaaliya iyo Kenya Dacwad badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dacwadii ay la gashay Kenya ee ku saabsanaa arrimaha badda, guushan taariikhiga ah ayaa goordhaw looga dhawaaqey magaalada Heage ee dalka Holland.

Maxkamadda  ayaa qaaday cod ku aadan arintaasi waxaana Soomaaliya ay heshay 13 Cod halka Kenya ay heshay 2 cod oo kali ah.

In ay Sii wado Maxkamada ICJ dacwada Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah Guul u soo hoyotay shacabka Soomaaliyeed.