digg icon delicious icon

Degeenaka ceelasha biyaha oo labo qofood toorey lagu dilay

July 27, 2011   //     //   News

Ceelasha biyaha (AB):-Nin watay midada loo yaqaan tooreyda ayaa maanta 2 qofood ku dilay deegaanka ceelasha biyaha xiligii dabku ka socday deegaankaasi.

Ciidamada boliiska Xarakada Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay ninka gacan ku dhiglaha ah kaasoo lagu qabtay isla halkii uu wax ku dilay meel aan ka dheereyn.

Si rasmi ah looma cadeyn waxa ku kalifay ninkaasi inuu dil gaystaoi hayse yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay in madaxa loo ga jirey inkastoo dadka qarakiis sheegeen in ninkaasi fiyowyahay islamarkaana isfaham daro soo kala dhexgashay darteed uu dilka u gaystay.

Xabsiga ceelasha biyaha ayaa la dhigay gacan ku dhiiglahaasi oo dhawaan maxkamad la soo taagi doono marka baaritaano la sameeyo kadib.

Falalka dilalka ah ee dadka shacabka ah dhexdooda isku gaystaan ayaa aad u gu yar deegaanada loo barakacay iyo dhamaan meelaha ay ka taliyaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab..

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)