digg icon delicious icon

Degmada Kaaraan oo Maanta lacago loogu qeybiyay qoysas danyar + SAWIRO

April 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarakatu shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta deeq lacageed waxaa ay u qeybiyeen dad aan u danyaraa oo ku dhaqan degmada Kaaraan magaalada Muqdisho.

Dadka ay ka muuqatay duruuf dhaqaale ayaa waxaa midkiiba la siiyay 300,000 shiin soomaali waxaana goob joog ka ahaa halka lacagta laguqeybinayay waaliga Gobolka banaadir ee xarakada Alshabaab Sheekh Maxamed Xasan Abuu cabdi raxmaan.

dadka lacaaha la siiyay oo ahaa ilaa 300 oo qoys ayaa dhamaantood ku farxeen lacagaha loo qeybiyay iyagoo u mahad celiyay wilaayada G/Banaadir ee Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.

Gudiga gurmadka abaaraha ayaa isku duba riday lacagahaani deeqda ah ee maanta loo qeybiyay ilaa 300 qoys kuwaasoo ay ka muuqatay sida ay ugu baahnaayeen in wax la taro.

Waaliga G/banaadir ee Xarakatu shabaabul Mujaahidiin Sh.Maxamed Xasan Abuu C/raxmaan oo war kooban ka jeeduyay halka lacagta lagu qeybinayay ayaa saxaafada u sheegay in deeqdaani tahay kuwo qeyb ah deeqaha walaayadaasi siiso dadka taagta daran ee reer Muqdisho.

maaha markii ugu horeysay oo Xarakada Alshabaab ay lacago ama raashin ugu deeqaan dad reer tabareed ah marka la eego gudaha dalka iyo gobolada intaba.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)