News

Dekedda weyn ee muqdisho ayaa maalintii 7-aad u xiran canshuur kordhin ay ka cabanayaan ganacsatada gobolka banaadir.

Ganacsatada oo maanta kulan isugu yimid ayaa cabashadooda u gudbisay madaxda dalka ugu sareyso iyagoona sheegay in wasaaradda maaliyadda ay canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay ganacsatada alaabada kala soo daga dekedda muqdisho.

Dekadda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo canshuur badantahay dekadaha ka jira Soomaaliya taasi oo keentay in ganacsatada Muqdisho ay ku qasaaraan badeecooyinka ay ka soo dejiyaan dekadda, maadaama aysan la tartami Karin badeecooyinka kale ee laga soo dajiyo dekadaha kale ee dalka lagana qaado canshuur ka yar tan muqdisho