digg icon delicious icon

Dhaawac soo gaaray Cristiano Ronaldo

March 22, 2011   //     //   Sports

weerark yahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la soo sheegayaa inuu soo gaaray dhaawac dhanka bowdada ah.

dhaawaca laacibkaani soo gaaray ayay dhaqaatiirtu ku sheegeen inuu sababay in ugu yaraan asbuuc uusan garoomada soo geli karn.

war ka soo baxay madaxda naadiga Real Marid ayaa lagu xaqiijiyay dhaawaca soo gaaray weeraryahan kooda Cristiano Ronaldo.

“Ka dib baaris caafimaad iyo Scan lagu saaray isbitaalka Sanitas, Cristiano Ronaldo wuxuu ka cabanayaa xanuun heer bilow ah oo dhinaca bowdada lugtiisa bidix. Ciyaaryahanka wuxuu maqnaanayaa saddex todobaad.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay real madrid laguna daabacay webka kooxdaasi

Dhaawaca Ronaldo ayaa micnihiisa noqonaya inuu seegi doono kulanka saaxibtinimo ee xulkiisa Portugal kaga hor imaanayaan Chile iyo Finland, sidoo kale waxay ku dhow dahay inuu seego kulanka ay Madrid la leedahay Sporting labo todobaad ka dib.

Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)