Dhakhaatiir ka timid Wadamada Kenya iyo Kongo oo qaliimo u samaysay dad farfaruuran (Sawirro)

Share

Garowe (PV):- Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe waxa ka socda hawlgal balaaran oo ay wadaan dhakhaatiir ka timid Wadamada Kenya iyo Kongo kuwaasi oo qaliimo u samaynaya dadka farfaruuran ee bishinta kore jeexan ama Dhabxanaga iyo Dalqadu isku daloolaan. muddo 10 Casho ah oo ay joogaan dhakhaatiirtu Garowe waxay qaliimo u sameeyeen 160 qof, kuwaas oo isaga kala yimid Gobalada wadanka Soomaaliya guud ahaan, Dhulka Soomaalida Itoobiya iyo Xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Wiilkan sidee buu ahaa kahor intaan qaliin lagu samayn

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa u fududaysay dadkan inay qaliimadaas helaan kadib markii Madaxda wasaaradda caafimaadku ay dadaal badan u galeen sidii loo heli lahaa dhakhaatiir qaabilsan qaliimadaas waxayna wasaaraddu ku guulaysatey inay dalka keento dhakhaatiir u dhalatey qaaradan Afrika gaar ahaan wadamada Kenya iyo Kongo.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan kaalmo taborucaad ah iyadoo uu dhakhaatiirta shaqadan qabatey uga mahadceshay taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo sida ay mustaqbalka ugu iftiimiyiin dadka bulshada dhexdeeda cuqdada uga dhex maqnaa kuwaas oo hada kusoo laabtey ayna ka markhaati kacayaan sawirada hoos ku qoran iyo qof walba sida uu yahay maantey iyo shalay.

Madaxa Dhakhaatiirta Help The Child Face Tomorrow ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ururkoodu u dhisan yahay sidii ay dadka bulshada ka dhex maqan ugu soo dhexdari lahaayeen oo ay mustaqbalkooda mugdiga ah iftiin ay ku naaloodaan ay uga dhigi lahaayeen taas oo uu sheegay inay ku faraxsan yihiin kooxdooduna ay wada yihiim mutadawiciin si iskood ah isku abaabulay oo aan wax mushaar ah ku shaqeyn waqtigoodana ka sadaqaystey saacado.

Sawiradan Nala Daawo Waa kuwo aan isku barbardhigayno dadkan Soomaaliyeed sidii ay markii hore ahaayeen iyo markii qaliimada lagu sameeyey sida ay noqdeen ma jirin qof qosli karayay inuu afka gacanta saarto mooyaane balse hada way dhoolacadaynayaan oo qoslayaan waxaana gashay kalsooni qaarkoodna waxay iisheegeen inay mugdigii ka baxeen oo ay hada dadka la siman yihiin, waxay mahadcelin aan lasoo koobi karin u jeediyeen dhakhaatiirta,

Masha Allah Waa la qurxiyey  2 (2)
S
S
Ninkan waxa uu ka yimid Jawhar muuqaalkiisii hore 10  (1)
Ninkan waxa uu ka yimid Jawhar muuqaalkiisi danbe markii qaliinka lagu sameeyey 10 (2)
Muuqaalkii danbe ee Inantan kadib qaliinkii lagu sameeyey 3 (2)

Ilmahan sida uu ahaa kahor intan qaliinka lagu smayn 5 (1)

Masha allah ayaa gabadhan yar noqotey markii qaliin lagu sameeyey 5 (2)
Ilmahan Markii hore Sidan bu ahaa  8(1)

Markan waa la qurxiyey Masha Allah 8 (2)

Maamadii Oo Nolol Cusub gashay kadib markii bishintii sare loo dabooley6(2)
Maamadan Sanado Badan sidan bay ahayd 6(1)
Gabadhii oo la qurxiyey inta qaliin lagu sameeyey 11(2)

Gabadhan Yar siday markii hore ahayd weeye 11(1)

Dr. Onguti oo la sawiran wiil uu qaliin ku sameeyey

Waxaa nasoo garsiiyey qoraalkaan iyo sawiradaba

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka
Dowladda Puntland
Abdiqadir72@gmail.com